MW-XASAN OO KHUDBAD XASAASI AH KA JEEDIYEY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO KA FADHIYA SHIRKA NAIROBI.

(NAIROBI)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ka qeybgalay shirka Madaxda Qaaradda Afrika iyo Bangiga Adduunka,MW-Xasan ayaa soo bandhigay Qorshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku saasban maalgashiga iyo in Mashaariicda la maaalgelinaayo loo weeciyo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax soo saarka. MW-Xasan ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaale iyo fududeynta ganacsiga dalalka Qaaradda Afrika ey Aas-Aas u tahay Qorhseynta Kobcinta nolosha dadkeena danyarta ah,ciribtirka saboolnimad iyo xaqiijinta horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe. “Soomaaliya marka loo eego dhaawaca soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hayadaheeda dawladeed,maanta waxaa muuqaneysa in ey aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladihii aadka u adkaay iyadoo cagta saaratay dhabaha xasiloonida dhaqaalaha,horumar bulsho iyo mid ganacsi. Sidaas oo ey tahay waxaan sii wadnaa Qorshayaal lagu xaqiijinaayo soo kabashada dhaqaale iyo dhiirigelintiisa” MW-Xasan Sheekh Maxamudd ayaa ku bogaadiyey Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ey ku bixinayaan maalgelinta iyo awood siinta dawladaha nugul si xal waara loogu helo Aafooyinka dib u dhigay nolosha shucuubta dalalkaas.

ISHA/VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

NIN HUBAYSAN OO MASJID KU DILAY DAD DUKANAAYEY.

Next
Next

CIIDAMADDA PSF-TA PUNTLAND OO EY IS FARA SAAREEN…