NIN ASALKIISU YAHAY URDUN OO LOO MAGACAABAY…
(AUSTRIA):Madaxa amniga ee dalka Austria ayaa waxaa loo magcaabay nin asal ahaan ka soo jeedo dalka Urdun ka dib markii eey dalkaas ka dheceen weeraro aragagixiso dadne eey ku dhinteen,weeraradaas ayaa la sheegay ineey ahaayeen kuwa aan shacabka laga difaacin kuwa soo qaaday weerarka oo ku guulaystay ineey dadka u laayaan si arxan daran.
Cumar Xijaawi ayaa noqonaayo agaasimaha cusub ee amniga Austria oo idil(DSN),waxa uuna Cumar bedeli doonaa ninkii horay u haystay amniga iyo qeybta la dagaalanka aragagixisada(BVT).Cumar waxa uu dalka Austria ku dhashay sannadkii 1980-kii waxa uuna Cumar ciidamadda Booliska dalka Austria ku biiray sannadkii 1999 ka dib markii uu dhammaystay dugsiga sare,Cumar aabihiis waa dhakhtar hooyadiisna waa kalkaaliye caafimaad u dhalatay Austria.Kooxda ku guul daraysatay ineey wax ka qabato weerarada argagixisada gaar ahaan weerarkii ka dhacay caasimadda Vienna bishii noofembar ee sannadkii inaga tegay 2020-ka,weerarkaas ayaa waxaa gaystay nin labaatan jir ah una dhashay dalka Macedonia kana yimid waqooyiga dalkaas,weerarkaas ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaraayo afar qofood waxaane ku dhaawacmay tiro dhan labaatan iyo seddex qofood.XIGASHO MIDDLE EAST EYE(MEE).