NEW YORK: SHIRKA AMNIGA SOOMAALIYA OO FURMAY.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO KA HADLAAYO SHIRKA NEW YORK.

(NEW YORK)-Wararka aan ka heleyno magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta ka furmay shirka looga hadlaayo Amniga Soomaaliya,shirkaan ayaa waxaa furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,arrimaha kale ee isla shirkaan looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah dagaalka Argagixisadda Alshabaab,Dhaqaalaha iyo arrimaha Bani’adanimadda ey sababeen Fatahaada biyaha ee ka dhacay dalka Soomaaliya. Ujeedada shirka Amniga Soomaaliya ee ka furmay magalaadda New York ee dalka Maraykanka ayaa ah in la isu keeno Wakiilo Muhim ah kana kala socdo Dawladda Federaalka Soomaaliya,Saaxibadda Caalamiga ah ee ka kala socdo 26-dal,Midawga Yurub,Midawga Afrika,Jaamicadda Carabta iyo Qaramada Midoobe si loo fududeeyo wadahadaladda iyo dadaaladda iskaashiga ah in wax lagu qabto baahiyaha iyo caqabadaha haysto Laamaha Amniga Soomaaliya.

ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

MW-XASAN OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII NEW YORK.

Next
Next

13/12/2023-KA MAALIN TAARIIKHI AH.