MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA SAXIIXAY HESHIISKII SOOMAALIYA IYO TURKIGA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO SAXIIXAY HESHIISKII SOOMAALIYA IYO TURKIGA.
(MUQDISHO)-Shalay ayey ahayd markii ey Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaaliya ey wada Ansixiyeen Heshiiskii ey horay u wada gaareen dawaladaha Soomaaliya iyo Turkiga heshiiskaan ayaa dhigaayo in dalka Turkiga uu Soomaaliya ka kaalmeeyo dhinacyada difaac Xeebaha iyo kalluumaysiga,sida uu warbaahinta shalay u sheegay MW-Xasan Sheekh Maxamuud mudada heshiiska ayaa ah toban sanadood lana kordhin karo haddii loo baahdo. Arrintaan ayaa waxaa soo dedejiyey dalka Itoobiya ka dib markii Itoobiya iyo Soomaaliland ey Addis Ababa ku kala saxiixdeen Heshiis is afgarada ah dalka Itoobiyana lagu siinaayo 20-kiilomitir oo badda ah,heshiiska Af-garadka ah una dhexeeyey Itoobiya iyo Soomaaliland ayaa la saxiixay horaantii bishii Janaayo-2024-ka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu saxiixay maanta oo Khamiis ah Heshiiskii ey kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga eyna shalay Ansixiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Labada aqal ee Baarlamaanka JFS.
ISHA/VILLA SOMALIA.