MAXKAMADDA CIIDAMADDA OO XUKUN KU RIDAY…
(SAWIRKA)-LABA KA TIRSAN ALSHABAAB OO ISU SOO DHIIBAYA CXDS.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Maxkamada ciidamada qalabka sida ey maanta xukuno kala gedisan ey ku riday seddex nin oo ka tirsan kooxda Alshabaab,seddexdaan nin ayaa la soo qabtay iyagoo dhaawac ah,waxa eyna kooxda Alshabaab ka tirsanayeen muddo dhan dhawr iyo toban sano oo waxa ey ahaayeen dagaalyahano duurka ku jira. Maxkamadda ciidamada ayaa ragaan waxa ey ku xukuntay min shan iyo toban sano oo xabsi ciidan ah,raga ey Maxkamada ciidamada xukuntay ayaa kala ah: (1)-Cabdi-yare Maxamed Caliyaw. (2)-Cumar Cismaan Ibrahim(Jarbeey) iyo (3)-Cali C/laahi Cali(Cawil). Dhinaca kale,waxaa la soo werinayaa in duqeyn cusub lala eegtay xarun iyo guri ey ku sugnaayeen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan kooxda Alshabaab,guri iyo xarunta la duqeeyey ayaa ku yiilay degmada Kurtunwaareey ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,weerarka ayaa la sheegay inuu gaystay khasaaro fara badan balse weli waxaan ka hadlin DFS iyo saaxibadda caalamka ee taageero DFS. Maxamed Xasan Cali oo magaciisa afgarashada yahay (Xasan) iyo Xasan Cali Xuseen oo isna magaciisa afgarashada yahay(Farxaan) waxa ey ka tirsanaayeen ciidamadda Jabhadda ee kooxda Alshabaab waxa ey maanta isu soo dhiibeen ciidamadda Danab kuna sugan Goblolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,labadaan dagaalyahan kana tirsanaay kooxda Alshabaab ayaa ka hawlgeli jiray degaanka Cali-Yabaal ee hoostaga degmada Ceeldheer ee dhacda bariga Gobolka Galgaduud.
ISHA/CAASIMADDA.