MW-XASAN OO TABABAR U SOO XIRAY…
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO WASIIRKA,TALIYE CXDS.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tegay dugsiyadda Tababarka Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Gen.Dhega Badan,TurkSom iyo Gen.Da’uud, dugsiyadaas ayaa waxaa ka ambabaxaayey cutubyo CXDS ah oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sareeyo u aadaayey dalka Turkiga. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamadda u jeediyey khudbad isugu jirta dardaaran iyo dhiirigelin ayaa ku adkeeyey Ciidamadda rajadda Dawaladda iyo shacabka Soomaaliyeed ey ka qabaan iney dhammaystiraan halganka mirodhalka ah ee dalka lagaga xureynaayo Argagixisada Alshabaab, waxa uuna MW-Xasan tilmaamay filshada ey qabaan dadka ku nool degaanadda ey ku harsanyihiin Argagixisada Alshabaab oo hamuun u qaba in laga dulqaado cadawga dhiig miiratada ah.
ISHA/CAASIMADA.