BURCAD-BADEED SOOMAALIYEED OO LA SIIYEY LACAG DHAN…

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTA MARKABKA MV ABDULLAH.

(LONDON)-Burcad-badeeda Soomaalida ayaa shalay oo Axad ahayd sii deysay Markabka MV Abdullah oo ey afduub ugu haysteen xeebaha dalka Soomaaliya ka dib markii sida la sheegay in Milkiilaysha Markabka oo u dhashay dalka Bangaladeesh ey bixiyeen lacag madax furasha ah taaso dhan ilaa 5-Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Meherul Karim oo ah maamulaha shirkadda Maraakiibta ee KSRM ayaa sheegay in 23-ka shaqaalaha Markabka la socday in la sii daayey iyagoo bed qaba. “Kooxda Burcad-Badeeda ah ayaa ina soo wacday markii ey soo gaareen meel u dhaw xeebaha Soomaaliya”mid ka mida Burcadda ayaa ku hadlay Luqadda Ingiriiska,Karim ayaa sidaas u sheegay Wariyeyaasha isagoo ku sugnaay magaaladda Chittagong ee dalka Bangaladesh shalay oo Axad ahayd. “Wuu inala soo xiriiray ilaa aan ka dhammaysano wada xaajoodka”ayuu raaciyey hadalkiisa Karim. “Kama hadli doono,mana muujin doono cadadka lacagta Madax-furashada ah”. Xaaska Madaxa Markabka la afduubtay ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegtay in diyaarad ey Markabka ku soo riday seddex jawaan oo ey ka buuxaan lacag Kaash ah oo doolarka Maraykanka ah. Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee REUTER ayaa sheegtay in la bixiyey lacag Madax-furasha ah oo gaareyso ilaa 5-Milyan oo doolarka Maraykanka,Wakaaladda ayaa soo xigatay laba ka mid ah Burcad-badeeda Soomalida ah ee Markabka la socotay. C/rashiid Yuusuf oo ka mid ah Burcad-Badeeda afduubtay Markabka laga leeyahay dalka Bangaladesh oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku yiri”Laba habeen ka hor ayaa lacag naloo keenay sidii caadada ahayd,waxaan hubinay in lacagtaas tahay mid been abuur ah iyo in kale,ka dibne lacagtii ayaan koox koox u qeybinay oo aan ku kala baxnay anagoo ka fogaaneyna ciidamadda dawaladda”.

ISHA/DW.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

MW-XASAN OO TABABAR U SOO XIRAY…

Next
Next

ALSHABAAB OO LAGU GALAY DEGAANKA JICIBAW.