MW-XASAN OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MADASHA TALYANIGA IYO AFRIKA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO FADHIYA SHIRKA MADASHA TALYAANIGA IYO AFRIKA EE ROME.
(ROME)-Magaaladda Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga ayaa waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shir u dhexeeyo Talyaaniga iyo Wadamadda Afrika,shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ah Hayado caalami ah iyo dalal ka tirsan Yurub,hadaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa shirkaas waxa ey ku metelayeen dalka Soomaaliya. MW-Xasan oo khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan waxa uu xusay fursadaha Maalgashi iyo kheyraadka dihan ee dhex ceegaaga dalka Soomaaliya inuu waxtar u leeyahay Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka. MW_Xasan ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay Ixtiraamka sharciyadda iyo Mabaadi’ida Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka. MW-Xasan ayaa yiri”Soomaliya waxay ku faani kartaa khayraadka alle ku maneystay ee dhinaca Beeraha,Xoolaha,Kalluunka, Tamarta iyo booska Istaraatiijiga ah”.
ISHA/CAASIMADDA.