MW-XASAN OO KA QEYBGELAYO SHIRKA ROME.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY ROME.
(ROME)-War ka soo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu sheeay in Madaxweyne Xasan Sheekha Maxamud iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo ey gaareen caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome,Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi waxa uu kaga qeybgeli doonaa shirka u dhexeeyo dalka Talyaaniga iyo Wadamadda Afrika,waane shir muhiim u ah wadamadda Afrika iyo kuwa Yurub. MW-Xasan Sheekh Maxamud ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saari doono iskaashiga dhaqaale,fududeynta isu socdodka iyo arrimaha amniga,MW-Xasan ayaa la filaa inuu soo bandhigi doono muhimadda ey leedahay xasiloonida Gobolka Geeska Afrika,Ixtiraamka mabaadi’ida Madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka,waxa uuna MW-Xasan si gaar ah isu dul taagi doonaa xad-gudubka ka dhanka ah madax banaanida Soomaaliya ey dhawaan itoobiya ku dhiiratay. Sidoo kale,MW-Xasan ayaa iftiimin doono dadaalka aan kala go’a lahayn ey DFS ugu jirto la dagaalanka Argagixisad iyo dabar gooynteed iyo dib u dhiska ciidamadda qalabka ee Soomaaliya,MW-Xasan ayaa shirka inta uu socdo waxa shirar kala duwan la kala yeelan doonaa: (1)-Madaxweynaha dalka Comoros Md.Azali Assoumani ahne Gudoomiyaha Midawga Afrika ee waqtigaan. (2)-Madaxweynaha dalka Kenya Md.William Ruto. (3)-Madaxweynaha dalka Eritereeya Md.Isaisa Afwerki. (4)-Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagata Adduunka(IMF) Marwo Kristalina Georgieva. Dawladda ey hogaamiso Giorgia Meloni ayaa qorsheysay in Qaaradda Afrika la siiyo lacag dhan 2.8-milyan oo Yuuro ah marka laga bilaabo sannadka 2024-ka ilaa sannadka 2026-ka,RW-Meloni ayaa baadi goobi ugu jirto iney maalgeliso qaar ka mida wadamadda Afrika eyna ka mid yihiin Itoobiya,Aljeeriya,Eyfar koosti,Libiya iyo Tunisiya,dhaqaalaha wadamadaan lagu maalgelinaayo ayaa dhan afar milyan oo Yuuro.
ISHA/SB-MEDIA.