ITOOBIYA OO WELI KA WALAACSAN DAWCADA SOOMAALIYA KA GUDBISAY.
(SAWIRKA)-HOGAANKA XISBIGA HAAYO TALADA DALKA ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Qaraar uu ka soo saaray shir afar maalmood u socday labada Gole ee fulinta iyo Dhexe ayuu Xisbiga talada dalka Itoobiya haayo ku sheegay in Xisbigu go’aansaday inuu keeno Is-afgaradkakii(MoU) ey Itoobiya la saxiixatay Somaliland ahaayne “Heshiis wax ku ool ah” ayadoo isla mar ahaantaas fiiro gaar ah la siinaayo mabaadi’ida wax bixinta iyo qaadashada si loo helo fursad dheeraad ah oo lagu geli karo dekedda wadamada inala jaarka ah. Xisbiga talada haayo ee dalka Itoobiya oo sii hadlaayo ayaa sheegay in is afgaradka Soomaliland uu marag u yahay “Mawqifka Itoobiya ee xiriirka dhaqaale iyo mid dhaqan ee Gobolka Geeska Afrika”. Heshiiskii is afagaradka ahaay ee dhacay 1/1/24-kii ayaa ahaay mid ey Itoobiya ku heleyso Bad halka Soomaliland ey ku heleyso Aqoonsi caalami ah,waane tan mida keentay in arrinta cirka isku sii shareerto eyna ka carooto Soomaliya,waayo Soomaaliya waxa ey heshiiskaan u aragtaa inuu yahay mid ku xadgudbaayo Qaranimadeeda iyo madax banaanida dhulkeeda. Talaabadaan ayaa sidoo kale dhalisay hadalo diblomaasiyadeed oo dhawr ah oo ka kala yimid dalal kala duwan kuwaaso dalka Soomaaliya u balan qaadeen iney taageerayaan Madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
ISHA/ADDIS STANDARD.