MW-XASAN OO GAARAY WARGAADHI.
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO LA FADHIYA SARAAKIISHA HOGAAMISA DAGAALKA ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar gelinaayo hawlgaladda dib u xureynta dalka ayaa gaaray degaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeeladda Dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha hogaamineyso Ciidamadda Xooga Dalka ee degaanka ku sugan ka dhegaystay warbixino ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Alshabaab,warbixinta ciidamadda ey hogaaminayaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Alshabaab looga xoreynaayo degaanadda haray. Dagaalka Alshabaab ee looga xureynaayo degaanadda dhaca Xuduuda u dhexeyso labada Gobol ee kala ah Galgaduud iyo Shabeeladda dhexe ayaa ah mid muhimad gaar ah u leh dagaalka ka socdo labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabeele waayo waxaa dhulkaas ku yaalo Hawd aad u balaaran gabaadne ey ka dhigtaan maleeshiyadda Alshabaab ee weeraradda gaadmada ah ku soo qaada Ciidanka DFS iyo kuwa degaanka.
ISHA/SNTV.