MAXKAMADDA CIIDAMADDA QALABKA SIDA OO XUKUNTAY…
(SAWIRKA)-EEDEYSANE MAXAMED XIIREEY.
(MUQDISHO)-Dable Xooga dalka Soomaaliyeed Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan Guutada Cali Bin Abi Dhaalib ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus u gaystay taliyaha Unugiisa oo uu Xabad afka uga dhuftay kaasi oo lagu magacaabo Dable Xooga Axmed C/laahi Maxamed,falkaan ayaana ka dhacay degmada Maxaas ee G/Hiiraan taariikhdu markeey ahayd 11/1/2024-kii. Falkaan markii uu dhacay ka dib ayaa Eedeysanaha waxaa laga soo xiray degmada Guriceel,waane uu ka soo baxsaday Xabsigii Guriceel waxa uuna soo galay caasimadda Muqdisho. Eedeysane Maxamed ayaa ku dhuumaaleysanaayey magaaladda Muqdisho,waxa uuna in mudda ah ku sugnaay degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim,baadi doon dheer ka dib Eedeysane Maxa’ed ayaa soo galay gacanta hayadaha Amaaanka afar iyo tobankii bishii afaraad ee sannadkan waxaane Eedeysane Maxamed soo gacan gelisay gabar ka tirsan hayadaha amaanka oo la sameeysay haasaawe Jacayl,waxaane Eedeysane Maxamed laga soo qabtay Xeebta Liido isagoo ey la joogtay gabadhii ka tisaneed NISA. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamadda Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista dacwadda Eedeysane Maxamed,waxaane laga ogolaaday 13/6/2024-kii. Garsoorka Maxkamadda Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyntii maanta ku xukuntay Ex-Dable Maxamed Xiireey Maxamuud,Magta Dhaawaca iyo bixinta kharashkii ku baxay iyo shan sano oo xabsi ciidan ah,waxa eyna Maxkamadda Eedeysane Maxamed ka saartay xubunimadda Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed. Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare. Xasan Cali Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamadda Qalabka Sida.
ISHA/SNA-RADIO.