MW-XASAN OO DALAB CULUS HORDHIGAY EU-DA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO CHARLES MICHEL.

(BRUSSELS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ey ku sugnaayeen caasimadda dalka Biljam ee Brussels,Madaxweynaha ayaa halkaasi waxa uu uga qeybgalay shir u dhexeeyey Wadamadda Midawga Yurub iyo Wadamadda soo Koraaya,ujeedada shirka ayaa ahayd sidii la isaga kaashan lahaay dhinacyada horumarinta bulshooyinka ku nool wadamadda soo koraayo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxda Wadamadda Midawga Yurub waxa uu hordhigay dalab aad u culus kuna aadan xaaladda dalka Soomaaliya uu hadda maraayo gaar ahaan dagaalka kooxda Alshabaab. Midawg Yurub ayaa ah kan bixiya Mushaarka ey qaataan ciidamadda Midawga Afrika ee ka hawlgala dalka Soomaaliya loona yaqaano Atmis.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

GAZA OO XALAY SI XUN LOO WEERARAY.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO KA HADLAY…