MW-LAFTAGAREEN OO SOO DHAWEEYEY…

(SAWIRKA)-MW-XASN OO GAARAY BAYDHABO.

(BAYDHABO)-Wararka ka imanaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ey galabnimadii maanta oo Arbaca ah gaareen halkaas,ujeedka safarka Madaxweyne Xasan ayaa lagu sheegay iney u weyn tahay Wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab ee la rabo in laga bilaabo maamuladda Jubooyinka si loo soo afjaro kooxdaan halaagtay shacabka Soomaaliyeed. Horay waxaa u taagneed dhibaato u dhexeyso maamulka KGS iyo Mucaaradka maamulkaasi waxaane dhacday Khamiistii la soo dhaafay in Garoonka Adan Cadde ee Muqdisho dib looga celiyey Xildhibaan C/laahi Black oo la socday Meydka nin Ganacsada ah oo qaraabo yihiin kuna geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho,meydka ayaa lagu aasayey Baydhabo oo halkaasi ey ku wada sugnaayeen ehelka iyo qaraabada ganacsadaha geeriyooday. Dhinaca kale,shalay oo Talaada ahayd Mucaaradka KGS war ey soo saareen ayey ku sheegeen in MW-Xasan uu is-hortaagay ayaga oo doonaayey iney u safraan Byadhabo tiro ka laba jeer(5/10/23 iyo 14/10/23)-ka taaso eysan la wadagin warbaahinta waqtiga ey dhacdooyinkaasi dheceen.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SOMALIYA OO DIIDAY…

Next
Next

GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBE OO BERRI…