MW-FARMAJO OO SOO GAARAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNE FARMAAJO.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaas uu maanta oo Jimca ah uu soo gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Maxamed C/lahi Farmaajo,ujeedka soo laabashada Farmaajo ee Muqdisho ayaa waxa ey dhalisay su’aalo la xiriiro arrimaha hadda taagan ey ugu horeyso arrinta dhammaystirka Dastuurka dalka kaaso hadda ka socdo gudaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mucaaradka wax ka bedelka dastuurka ayaa waxaa hogaaminaayo Madaxweynihii hore ee dawladdii ku meel gaarka ahayd Md.Shariif Sh.Axmed waxaane dhinaca ku haayo oo meel walba kala soo muuqdo C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan labada aqal ee BJFS. In dastuurka la dhammaystiro waa mid dalka uu u baahan yahay waxaane meesha ka bixi doono qodobo si aad ah uga soo horjeedo horumarka dalka gaar ahaan hayadaha dawladda ee dhinaca horumarinta iyo adeega bulshada.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

XILDHIBAANADA FAWSIYA OO SHAACISAY…

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DAWEYEY…