MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DAWEYEY…
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO GAARAY ANTALYA.
(ANTALYA-TURKEY)- Wararka ka imaanaayo magaalo Xeebeedka ANTALYA ee dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu Hogaaminaayo halkaasi gaareen si ey uga qeybgalaan shir halkaasi ka dhici doono. Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya ee 3-aad ee uu ka qeybgelaayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo Heer Gobol,Caalami ah iyo Mawduucyo kale ayaa waxaa lagu qaban doonaa magaaladda Antalya inta u dhexeyso kowda bisha Maarso-2024-ka ilaa seddexda isla Bisha Maarso-2024-ka. Cinwaanka Madasha Antalya ayaa ah”HORUMARKA DIBLOMASIYADDA WAQTIYADDA QALALASAHA”. Madashaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo Madaxweyneyaal,Wasiiro,Siyaasiyiin,Ganacsato,Aqoonyahano,Mufakiriin,Dhallinyaro iyo Wakiiladda Warbaahinta.Madashaan ayaa dalka Soomaaliya waxaa ku metelaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Wasiru dawlaha ahne ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Balcad,Ku Xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Md.Maamed Cabdi Waare iyo La taliye isla markaasne ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqaha Amal Abubakar. Dhinaca dalka Jabuuti ayaa waxaa ku metli doono MW-Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Md.Maxamuud Cali Yuusuf,Madashaan ayaan jirin cid ku meteleysa dalka Itoobiya.
ISHA.SBM.