MUSLIMIIN LAGU DILAY MARAYKANKA.
QABRIGA MUSLIMIINTII LA DILAY.
(USA)-Dalka Maraykanka waxaa ku nool Musliniin aad u fara badan eeyna kala duwan tahay dalalka eey asal ahaan ka soo jeedaan balse eey kulmisay Diinta Islaamka,waxaan dadkaan soo food saartay arrin naxdin leh oo ah Dil bareer ah oo ka dhacay NEW MEXICO, ugu horeyn waxaa la dilay nin Muslim ah kana yimid dalka Afgaanistaan sannadkii tegay 2021-kii,labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa la dilay laba nin oo Muslimiin ah kana soo jeedo dalkaasi Pakistaan,labadaan nin ayaa si wadajir ah waxa eey u aadi jireen Masaajidka Albuquerque ee gobolka New Mexico.Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa la dilay qofkii afaraad oo Muslim ah laguna dilay New Mexico sagaal bilood gudahood,dhammaan dilalkaan loo gaystay Musliniita ayaa ahaay kuwa lagu fuliyey toogasho eey sameeyeen dad aan la garaneyn lana hayn ilaa hadda waxaane la soo helay oo kaliyah baabuurkii loo isticmaalay toogashada.
ISHA WARKA AP.