MUQDISHO: CIIDAMADA AMAANKA OO FASHILYEY QARAX.
(SAWIRKA)-GOOB UU KA DHACAY QARAX.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in ciidamadda Police Military(PM) ey fashiliyeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa ee uu weday qof naftiis haliga ah lana rabay in geliyo gudaha Muqdisho si halkaasi dad shacab ah loogu laayo,sida la soo sheegay baabuurka ayaa ku qarxay bar koontarool oo laga ilaaliyo amaanka caasimadda Muqdisho bartaaso ku taal duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir,barta koontarool ee Qaraxa lala beegsaday ayaa ku taalo halka loo yaqaano DHISTA. Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Dayniile ee G/banaadir Md.Cali Cabdi Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa ey ku dhaawacmeen lix qofood oo kala ah shan askeri iyo hal qof oo dumara waxaane ku dhintay oo kaliyah naftii haligihii weday baabuurka qarxay,sida caadada u ahaydba kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qaraxii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho. Maamlmo ka hor ayey ahayd markii uu qarax kan la mida uu ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee G/banaadir kaaso gacanta lagu dhigay dadkii weday gaariga qarxay,arrintaan soo noqnoqotay ayaa muujinayso in habacsanaan ey ka jirto gudaha Hayada Sirdoonka oo awoodi kari la’a iney ogaadaan dhagaraha ey kooxda Alshabaab ka soo maleegayaan duleedka caasimadda Muqdisho.
ISHA/SB-MEDIA.