ALSHABAAB OO KU LE’EDAY HAWDKA RUUN-NIRGOOD.

(SAWIRKA)-DEGMADA RUUN-NIRGOOD.

(RUUN-NIRGOOD)-Wararka laga helaayo degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaayo inuu halkaasi ka dhacay weerar dhinaca cirka ey gaysteen saaxibadda Soomaaliya ka kaalmeeyo dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab,weerarkaan ayaa lala beegsaday kooxda Alshabaab oo isku urursaneysay dhul hawdka ah kuna yaalo dhulka u dhexeeyo Gobolada Shabeeladda Dhexe iyo Galgaduud kana kala tirsan maamuladda H/shabeele iyo Galmudg. Kooxda Alshabaab ayaa hadda waxaa ku socdo weeraro cir iyo dhul ah kagana imaanaayo CXDS oo kashanaayo xoogaga degaanka iyo saaxibadda caalamka ee Soomaaliya ka kaalmeeyo la dagaalanka Alshabaab,weerarkii dhacay maanta oo Talaada ah(12/9/23)-ka ayaan weli la aqoon inta uu la eg yahay khasaaraha soo gaaray kooxda Alshabaab ee lagu weeraray goob ey isku urursanaayeen waxa eyna kooxda Alshabaab abaabul ugu jireen sidii ey weerar ugu qaadi lahaayeen degmada Ruun-Nirgood.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MUQDISHO: CIIDAMADA AMAANKA OO FASHILYEY QARAX.

Next
Next

OGOW DAGAALKII AWDHEEGLE YAA ALSHABAAB UGA DHINTAY?