MUHAJIRIIN KU DHIMATAY XUDUDA YEMAN IYO SACUDIGA.

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA AFRIKA EE YEMAN JOOGO.

(YEMAN)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ey ku kulmaan Soomaalida dhex socday Video laga soo duubay nin ka mida dadka ku shaqeysta Tahriibinta dhinaca badda ah kuna sugnaay degmada Boosaaso ee maamulka Puntland,ninka ayaa sheegay inuu tahriibiyo dad ka yimid dalka Itoobiyo uuna ka qaato dhaqaale dhan $60 qofkiiba,safarkiisii ugu dambeeyeyna waxa uu tahriibiyey 78-qofood una badan Oromada Itoobiya. Hadaba Muhaajiriintaan u dhalatay dalka itoobiya ayaa la shaqaaleeyaa marka ey garaan dalka Yeman waxa eyna noqdaan bartilmaameed ey dilaan maalin walba ciidamadda amaanka ee dalka Sacuudiga kuwaaso isku dayaayo iney ka hor istaagaan iney ka soo gudbaan xuduudka u dhexeeyo dalalka Yeman iyo Sacuudiga. Marka loo fiiriyo warbixin ey daabacday “MIXED MIGRATION CENTRE” maanta oo Arbaca ah(5/7/23)-ka ayna baarayaan hayado caalami ah arrinta muhaajiriinta Itoobiya ku haysato xuduudka kala qeybiyo Yeman iyo Sacuudiga,muhaajiriinta ayaa bartilmaameed u noqday in lagu garaaco Hoobiyeyaal iyo ineey toogtaan dad qarsoon(Snipers).

ISHA/MEE.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

XIZBULLAH OO SHEEGTAY INEY HAYAAN…

Next
Next

XIRIIRKA MASAR IYO TURKIGA OO SII…