MUHAAJIRIINTA LAGA SOO BADBAADIYEY BADDA…

(SAWIRKA)-MUHAAJIRIINTA BADDA MIDITERENIYAANKA.

(FRANCE)-Markab ey iska leeyihiin hayadaha aan dawliga ahayn(NGO) lana yiraahdo Ocean Viking ayaa soo badbaadiyey 438-Muhaajir kuwaaso ku dhibaateysnaay gudaha badda Miditerieniyaanka labadii maalmood ee la soo dhaafay sidaas waxaa sheegtay hayadda SOS ee Miditereeniyaanka. Dadkaan Muhaajiriinta ah ayaa laga soo badbaadiyey gudaha badda caalamiga ah una dhexeeyo xeebaha dalalka Tunisiya iyo Libiya,sidaas waxaa sheegtay hayad aan dawli ahayn(NGO) fadhigeeduna yahay dalka Faransiiska. Horaantii maanta ayey hayadaha aan dawliga ahayn(NGO) ayaa sheegay in maalintii Khamiista ee la soo dhaafay iney soo badbaadiyeen 272-qofood kana kala yimid 23-dal oo kala gedisan waxa eyna ku kala yimaadeen seddex doon bartamaha badda Miditereniyaanka waane badda ugu khatarsan ey maraan Muhaajiriinta caalamka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

AJANDAHA SHIRKA 7-AAD EE GOLAHA WADATASHIGA OO LA SHAACIYEY.

Next
Next

MARAYKANKA OO LAGU DILAY SEDDEX MADAW AH.