AJANDAHA SHIRKA 7-AAD EE GOLAHA WADATASHIGA OO LA SHAACIYEY.

(SAWIRKA)-GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.

(DHUUSAMAREEB)-Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka kaaso si habsami leh uga socdo caasimadda Galmudug ee Dh/Mareeb. Ajandaha shirka 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa laga waraystay Madaweyne ku Xigeenka Galmudug Cali Ciid waxa uuna sheegay in shirka looga hadli doono Qodobadda ey ka mid yihiin: (1)-Guud ahaan Amniga dalka Soomaaliya. (2)-La dagaalanka kooxda Alshabaab iyo sidii loogu qaadi lahaay hal guluf colaadeed si eysan isugu soo gurman kooxda iyo dib u xureynta dhulka ku jiro gacanta Alshabaab. (3)-Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaliya iyo sidii looga qaadi lahaay. (4)-Bixitaanka ciidamadda nabad ilaalinta Midawga Afrika(ATMIS) iyo sidii looga tashan lahaay cidda bedeleyso ama sidii loo hakin lahaay iney ka baxaan meelaha qaarkood. (5)-Gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah degaanada laga saaray Alshabaab,sugida aminga degaanadaas. Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo dhinaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Reysal Wasaare Xasmsa Cabdi Barre,Reysal Wasaare ku xigeenka DFS Saalax Jaamac,dhinaca maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka qeybgelaayo Madaxweynaha Galmudug ee martigeliyey shirka Md.Axmed Cabdi Kaariye(QoorQoor),Madaxweynaha KGS Md.C/casiis Laftagareen,Madaxweynaha H/shabeele Md.Cali Guudlaawe iyo ugu dambayntii Gudoomiyaha G/banaadir ahne duqa caasimadda Mudisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaal(Madaale).

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

DH/MAREEB: WARMURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII GWQ.

Next
Next

MUHAAJIRIINTA LAGA SOO BADBAADIYEY BADDA…