MUDUG: ALSHABAAB OO LA LAAYEY 50-DHIMASHA AH,40-DHAAWCA AH.

(SAWIRKA)-DUQEYNTII KA DHACDA DEGAANKA JEEX-JEEXA.

(MUDUG)-Wararka laga helaayo Koonfurta Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi aroortii hore ee maanta oo Sabti ah uu ka dhacay Hawlgal Qorsheysan oo ey fuliyeen CXDS oo kaashanaayo xoogaga degaanka iyo saaxibadda caalamka,hawlgalka ayaa laga fuliyey hawdka degaanka Jeex-Jeexa una dhexeeyo degaanada Caad iyo Cadaley halkaas ayaa waxaa isku urursanaayey maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug. Taliyaha CXDS S/Gaas. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadaw oo goor dhaw la hadlay warbaahinta Ciidamada ayaa sheegay in hawlgalkii dhacay maanta in lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab. S/Gaas.Ibrahim ayaa xusay in qasaaraha gaaray kooxda Alshabaab uu yahay mid aad u baaxad weyn eyna ka soo kabsan karin,Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in tirada dhimashada ee la xaqiijiyey ilaa hadda ey dhan tahay 55-waxa eyna isugu jiraan Horjoogayaal iyo Maleeshiyaadka Jabhadda ah,taliyaha ayaa tirada dhaawaca ku sheegay ilaa 40-Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal isugu jira. Dhinaca kale,Waxaa soo kordhaayo maamahaan dambe tirada Maleeshiyaadka ka soo goosanaayo dhinaca kooxda Alshabaab,waxaane maanta isa soo dhiibay laba Maleeshiyo kana tirsanaay kooxda Alshabaab ee ka dagaaanta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. (1)-Aden Isaaq Aden oo magaciisa afgarashada uu ahaay Zubeer ayaa isu soo dhiibay ciidamdda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee Gobolka Bakool,Aden ayaa ku dhashay G/Bakool waxa uuna kooxda Alshabaab uga biiray degaanka Doonfuul ee G/bakool sannadkii 2019-kii,waxa uuna ka qeybgalay dagaalo ka dhacay G/baay. (2)-C/rashiid Maxamed Cabdi magaciisa afgarashadana waxa uu ahaay “Indhacadde”, C/rashiid ayaa isu soo dhiibay CXDS ee ku sugan degmada Janaale ee G/shabeeladda Hoose ee maamulka KGS,sida uu sheegay C/rashiid waxa uu ku dhashay G/bay waxa uuna kooxda Alshabaab kaga biiray degaanka Doolan-Doole ee G/Bay horaantii sannafkii 2018-kii, C/rashiid ayaa ka qeybgalay dagaalo ka kala dhacay Goboladda Bay iyo Shabeeladda Hoose ee maamulka KGS.

ISHA/SNA RADIO.

Previous
Previous

BURCAD SOOMAALIYEE OO KU HAREEREYSAN GUDAHA MARKABKA…

Next
Next

MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO KA BAXAY PUNTLAND.