BURCAD SOOMAALIYEE OO KU HAREEREYSAN GUDAHA MARKABKA…

(SAWIRKA)-MARKABKA KU AFDUUBAN XEEBAHA PUNTLAND.

(GARAWE)-Wararka inaga soo gaarayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in la hareereyey Markab laga soo Afduubtay biyaha Badda Cas todobaad ka hor,Markabka MV REUN ayaa loo kexeeyey dhinaca Xeebaha Maamulka Puntlanda ee Soomaliya waayo Burcadda Markabka afduubtay ayaa ah Soomaali,hadaba Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda iyo ka hortaga Dembiyada Badaha Md.Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in weli degaanadda Puntland uu ku afduuban yahay Marakab nuuca qaada shixnadaha oo ey haystaan Burcad Badeed Soomaali ah. Wasiirka ayaa sheegay in Markabka hadda looga hareereysan yahay dhinacyada Badda iyo Berigaba,dhinaca badda ayaa waxaa ka joogo seddex Markab oo kuwa dagaalka ah eyna leeyihiin ciidamadda Caalamiga ah ee ilaaliya Xeebaha Soomaaliya,dhinaca berigane waxaa ka joogo ciidamadda badda ee Puntland(PMPF) sidaas darteed Markabka ayaa hadda go’odoonsan meelna u dhaqaaqi karin halka irid ee u furan kuwa soo afduubay Markabka ayaa ah iney isa soo dhiibaan ka dibne la horgeeyo cadaaladda.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DRONES LAGU WEERARY MARKAB MARAAYEY…

Next
Next

MUDUG: ALSHABAAB OO LA LAAYEY 50-DHIMASHA AH,40-DHAAWCA AH.