MINNEAPOLIS: WIIL AFAR JIR AH OO MEYDKIISA LA SOO HELAY.

(SAWIRKA)-WIILKA AFAR JIRKA AH AWEYS CALI MAXAMED.

(MINNEAPOLIS-MN)-Wararka ka imaanayo magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Booliska Hopkins uu sheegay in mutadawiciin goobjoog ah ey soo heleen wiil afar jir ah oo la la’aay subaxnimadii Maanta oo Isniin ah gudaha Minnehaha Greek. Wiilka la la’aaye ayey Hayadaha Amaank ee Minneapolis ku xaqiijiyeen in magaciisa la yiraahdo Aweys Cali Maxamed kaaso ey ugu aragti dambaysay subaxnimaddii Axada ee shalay ahayd,taliyaha booliska Hopkin Kabtan Craig Kreiling ayaa shir jaraa’id ku sheegay. Wiilka geeriyooday ayaa ku sugnaay Wabiga abaarihii 10:40-daqiiqo ee subaxnimo ilaa 500-Yaardi dhanka hoose ee dhismaha qoyskiisu degan yihiin, waxaane soo helay qofka caawinayey kana mid ahaay dadkii qeybta ka ahaay dadaalka raadinta ayuu yiri Kreiling.

ISHA/SBMEDIA.

Previous
Previous

DAGAALKA MARINKA GAZA OO GO’AAN LAGA GAARAY.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO IMF IYO BANGIGA ADDUUNKA OO WADAY SHIRAY.