DAGAALKA MARINKA GAZA OO GO’AAN LAGA GAARAY.

(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QM.

(NEW YORK)-Wararka ka imanayo Xarunta Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe ee magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Xubnaha Golaha oo ka kooban shan iyo toban(Shan joogta ah iyo Toban aan joogta ahayn) ey maanta oo Isniin ah ey u codeeyeen Qaraar uu soo gudbiyey dalka Maraykanka kuna saabasan sidii Xabad Joojin looga gaari lahaay dagaalka lagu hoobtay ee ka socdo Marinka Gaza iyo in la sii daayo dadka ey haysato kooxda Xamaas. Codaynta ayaa waxa ey ku dhacda sidatan: Waxaa Ansixiyey(14)-dal, Waxaa ka Aamusay dalka Ruushka, mana jiro dal ka horyimid Qaraarka. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa heshiiskan ku tilmaamay “ma aha oo kaliyah Xabad-Joojin ey lama huraan Noqon doonto mid jilicsan oo ku meel gaar ah”balse ah mid keeni karta “Dhammadka dagaalka”. Mooshinkaan ayaa saadaalinaayo in seddex weji loo wajaho si loo hubiyo in dagaalka socdo si dhammaystiran lagu soo afjaray. Wejiga Koowaad waxaa ku jira “Xabad Joojin deg deg ah oo buuxda oo dhammaystiran iyadoo la sii daayo la haystayaasha ey ku jiraan Haween,dad Waayeelo ah iyo dhaawacyo,soo celinta haraadiga qaar ka mid ah la haystayaashii la dilay iyo isdhaafsiga maxaabiista Falastiin”. Waxay ku baaqeysaa in ciidamadda Isra’iil laga saaro goobaha dadku ku badan yihiin ee Marinka Gaza,ku noqoshadda Falastiiniyiinta guryahooda iyo Xaafadahooda oo dhan oo ey ku jiraan Waqooyiga iyo sidoo kale qeybinta badbaadaha iyo waxtarka leh ee gargaarka bani’adanimo ee Qiyaasta. Marxaladda labaad ayaa noqon doonto in si joogta ah loo soo afjaro colaada “iyadoo lagu bedelaayo sii deynta dhammaan la haystayaasha kale ee weli ku sugan Marinka Gaza, iyo in si buuxdo looga saaro ciidamadda Isra’iil Marinka Gaza”. Marxaladda seddexaad “Qorshe dib u dhis sannado badan ah ee Marinka Gaza” ayaa bilaaban doona,haraaga la haystayaal kasta oo dhintay oo weli ku jira Marinka Gaza ayaa dib loogu celin doonaa Isa’iil. Goluhu waxaa kaloo hoosta ka xariiqay qodobka soo jeedinta ee ah haddii wada xaajoodyaddu ey qaataan wax ka badan lix todobaad wejiga koowaad,Xabad joojintu waa ey sii socon doontaa ilaa inta wada Xaajoodyadu ey socdaan.

ISHA/SC.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA HADLAY MADASHA OSLO.

Next
Next

MINNEAPOLIS: WIIL AFAR JIR AH OO MEYDKIISA LA SOO HELAY.