MIKE PENCE OO ISAGA HARAY TARTANKA.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE KU XIGEENKA HORE EE MARAYKANKA MIKE PENCE.
(WASHINGTON)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka Mike Pence ayaa isaga haray Doorashada Madaxweyne ee dalka Maraykanka oo dhici doonto sannadka-2024-ka sida uu sheegay maanta oo sabti ah(28/190/23)-ka. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Mike Pence ayaa sheegay in waqtigaan uusan ahayn waqtigiisa iyo isaga oo hoosta ka xariiqay iney raad ku reebtay dhibaatadii Fadeexadii uu gaystay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo xukun xumida Xisbiga Jamhuuriga ee kula tartamaayo Madaxweynaha hadda xilka haayo Joe Biden kana socdo Xisbiga Dimuqaraadiga.
ISHA/BRONS.