GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY…

(SAWIRKA)-SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo sabti ah(28/10/23)-ka in Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ey isugu yimaadeen Shir aan caadi ahayn xafiiska Reysal Wasaaraha Xukuumadda,Shirkaan ayaa shalay waxaa Golaha ugu yeeray Xafiiska Reysal Wasaaraha balse lama aqoon ujeedada shirkaan aan caadiga ahayn ey yeelanayaan Wasiiradda Xukuumadda DanQaran. Shirkii maanta ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriiro ansixinta Miisaaniyadda sannadka 2024-ka taaso lagu qiyaasay iney dhan tahay $1,025,687,991(Hal Bilyan iyo labatan iyo shan Milyan,lix boqol sideetan iyo todobo kun, sagaal boqol iyo sagaashan iyo kow doolar),miisaaniyadda sannadkan ayaa gaartay in ka badan Hal bilyan taaso ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan boqolkiiba sodon(30%) waxa eyna xukuumadda ahmiyad gaar ah siinaysaa Amniga Qaranka iyo Horumarka adeegyada Bukshada.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MIKE PENCE OO ISAGA HARAY TARTANKA.

Next
Next

IRAAN OO U HANJABTAY ISRA’IIL.