MEYDAD CUSUB OO LA HELAY.

BURBURKA DOONTII DADKU KU LE’EDEEN EE XEEBAHA TALYAANIGA.

(CROTONE)-Waxaa weli ka socdo xeebta Cutro ee Koonfurta dalka Talyaaniga baadi goobka Meyadadka dadkii ku dhintay xeebtaas maalmo ka hor kuwaaso hadda ey meydadkoodii badda soo tuftay,kooxaha gurmadka ayaa soo saaray Meydad kale maanta oo Talaada ah,tirada cusub ee la soo saaray ayaa tirada dadkii ku dhintay xeebta Cutro ee murugada badan ka dhigayso ilaa 65-qofood. Xeer ilaaliyaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in la aqoonsaday dadka lagu tuhmaayo amaba lagu eedeynaayo ineey dadkaan Qaarada Yurub ku soo geliyaan sifo aan sharci ahayn kana qaataan lacag dhan $8,500 oo doolarka Maraykanka halkii qofba una tahriibiyaan “SAFARKII GEERIDA” kaaso ka soo bilaabanaayo dalka Turkiga kuna dhammaanayo dalka Talyaaniga.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

IRAAN OO DALKEDA KA CERISAY…

Next
Next

USA:70% AYEY KORORTAY SHAQALEYNTA…