IRAAN OO DALKEDA KA CERISAY…

JAMSHID SHARMAHD.

(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu dalkiisa ka ceriyey laba diblomaasi oo u dhashay dalka Jarmalka,sababta labadaan dibloomaasi loo ceyriyey ayey dawladda Iraan ku sheegtay ineey tahay in dalka Jarmalka soo farageliyey arrimaha gudaha ee dalka Iraan si masuuliyad darra ah. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Iraan Naasir Kanani ayaa sheegay in danjiraha Jarmalka u joogo Iraan looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda laguna wargeliyey go’aanka ey dawladda Iraan qaadatay. Arrintaan ayaa imaanayso laba todobaad ka dib markii dalka Jarmalka cadeeyey in laba diblomaasi oo reer Iraan ah yihiin kuwa aan looga baahnayn dalka Jarmalka,talaabadaan ayuu dalka Jarmalka uga horjeedey caburinta banaanbaxayaasha iyo xukunada dilka ah ey rido xukuumada Iraan,waxayna dawladda Iraan xukun dil ah ku xukuntay nin asalkiisu yahay Iraan balse haysta dhalashada dalka Jarmalka lana yiraahdo Jamshid Sharmahd. Sharmahd ayey dawladda Iraan ku eedeysay inuu hogaaminaayey koox la yiraahdo Golaha Boqortooyada Iraan waane koox ka soo horjeedo dawladda Iraan,waxaa kalo Sharmahd lagu eedeyey inuu qorsheynaayey inuu bam ku qarxiyo goobo muhim ah sannadkii 2008-dii iyo weeraro kale.

ISHA:AA.

Previous
Previous

43-QOFOOD OO SHIL TARIIN UGU DHINTAY…

Next
Next

MEYDAD CUSUB OO LA HELAY.