Xildhibaan Carabow
Maamulka Hirshabeele waa maamulka kaliyah eey beesha Mudulood ugu xildhibaano badan tahay marka loo fiiriyo maamuladda kale,nasiib darase badnaantooda waa midaan ka muuqan saaxadda siyaasadda ee soomaaliya oo waa shiiqaneyaal waxaane tusaale inooga filan dhacdadii xanuunka badnayd ee ka dhacday Gololeey mana jiraan shan xildhibaan oo ka soo jeedo Hirshabeele kuna abtirsado beel weynta Mudulood oo qabtay shir jaraa'id eey kaga hadlaayaan dil wadareedka Gololeey fariine ugu diraayaan dawladda federaalka,aaween ganacsatadii ku haybta ahaay takhaatiirta la xasuuqay maxayse ugu qaban waayeen garyaqaano u dooda dhiiga wiilashooda mar haddii eey arkeen in xildhibaanadii noqdeen kuwa danleey ah. Xildhibaan Carabow 30/5/2020-kii ayuu tegay Gololeey lana kulmay eheladii la xasuuqay wiilashooda, gadaaleeyne ma dhihin ilaa hadda degaanka Gololeey ma waxaan u macnayasan karnaa in xildhibaan Carabow villa-du u diratay inuu dadka kacsan soo dejiyo been cadne u sheego mase waxaa diray damiirkiisa(ilama aha taas) oo waa masuul gartay waajibkiisa,xildhibaanow waxaad xildhibaan ku tahay uguna fadhidaa kursiga kuwa dhiigooda la daadiyey lana hayn ciddii daadisay arrinkuna waxa uu hadda maraa isu ririd u dhexeeyo maamulka Hirshabeele oo taagan Alshabaab ayaa dishay iyo Federaalka oo shib ah waane hubanti inuu jiro wax la qarinaayo sida hadda muuqato amaba wax u socdaan waayo ma jiraan wax natiijo hordhac ah oo lala wadaagay eheladii la laayey caruurtooda,intii dhimatay alle ha u naxariisto ehelkoodana samir iyo iimaan alle haka siiyo Aamiin...