MAXKAMADDA SARE EE CQS OO XUKUNO KU RIDAY..

(SAWIRKA)-LIXDA QOFOOD EY MAXKAMADDA CQS XUKUNTAY.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya maanta Xukuno kala duwan ey ku riday Saraakiil iyo dableey ka wada tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Maxkamadda ayaa xukunno ka soo saartay kiiska Taliyihii Saldhiga Booliska ee degmada Heliwaa Dhamme C/fataax Maxamed Xasan “Qoslaaye” iyo kooxdiisa uu ku jiro mid maqane ah kuwaaso ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax,falkaas ayaa dhacay bishii Feberaayo ee sannadka-2024-ka. Kooxdaan dilka gaysatay ayaa ka kooban ilaa lix qofood uu horjooge u yahay Dhamme Qoslaaye,shanta kale ayaa kala ah Dable Booliska Maxamed Cabdi Qoone,Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambaysay dilka Marxuum Kaabax hadane baxsad ka ah cadaaladda,Xasan Maxamed Siciid(Dhiidhiin),Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista dacwadaan,fadhiyo kala duwan oo la xiriiro dacwdaaan ayaa soo maray Maxkamadda Darajadda Kowaad ee CQS ka dib waxa ey go’aamisay soona saartay xukuno kala gedisan taariikhdu markeey ahayd lixdii Abriil ee sannadkan-2024-ka,balse Xukumanayaasha oo aan ku qancin go’aanka Maxkamadda CQS ee Darajadda Koowaad ayaa qaatay Racfaan,waxayna dacwadii u gudubtay Maxkamadda Sare ee CQS. Maxkamadda Sare ee CQS oo aqbashay codsigii Racfaanka ahaay ey soo qaateen Xukumanayaasha tobankii bishaan,waxa eyna Maxkamaddu waqti ku filan ey siisay dhinacyadda ey khuseyso dacwadaan iyadoo ugu dambeyntii maanta oo khamiis ah ey Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ey soo saartay Go’aankii. Maxkamadda ayaa dil Toogasha ah ku xukunta Dhamme Qoslaaye iyo Dable Qoone,taaso ah Qisaastii Marxuum Kaabax halka Liibaan Maxamed Axmed,oo maqane ah lagu Xukumat Xabsi Daa’im ah,waxa eyna Maxkamaddu midkiiba Todobo sano oo xabsi Ciidan ah ku kala Xukunta Maxamed Cadaawe Cali, Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Maxamed Sciid(Dhiindhiin),sidaas waxaa warbaahinta u sheegay S/Guuto.Liibaan Cali Yaraw oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

GOLAHA WASIIRADDA XFS OO YEESHAY SHIRKOODII…

Next
Next

MARAYKANKA OO SI GAAR AH UGU DIGAY IRAAN.