MARAYKANKA OO SI GAAR AH UGU DIGAY IRAAN.

(SAWIRKA)-AYATULLAHI CALI KAHAMEYNI.

(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Biden ayaa digniin gaar ah waxa uu u diray dalka Iraan bishii hore isagoo muujiyey walaaca weyn ee ku saabsan cilmi baarista Iraan iyo hawlaha horumarinta ee loo isticmaali karo soo saaridda Hubka wax laaya ee NUKLIYEERKA,hadalkaan ayaa waxaa laga soo xigtay seddex qofood oo Maraykan ah iyo saraakiil Israa’iil ah. Maraykanka iyo Israa’iil waxay labaduba ogaadeen dhaqdhaqaaqyo la xiriira Hubka NUKLIYEERKA oo shaki leh ey sameeyeen Saynisyahano u dhashay dalka Iraan bilihii la soo dhaafay. Saraakiisha ayaa ka baqaya iney qeyb ka noqdaan dadaalka qarsoon ey Iraan ku dooneyso iney ku isticmaasho mudada lagu guda jiro xilliga doorashooyinka dalka Maraykanka si horumar looga sameeyo Hubka Nukliyeerka. dalka Maraykanka iyo bulshada Sirdoonka Israa’iil iyo sidoo kale saraakiisha sare ee siyaasadda ee labada wadan,waxa ey ka shaqeynayaan iney fahmaan dhaqdhaqaaqyadda dalka Iraan iyo haddii ey ka dhigan tahay isbedelka siyaasadda hogaamiyaha ugu sareeyo dalka Ayatullahi Cali Khameyni. Dhinaca kale,adeega sirta ayaa sare u qaaday amaanka agagaarka Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump todobaadyadii la soo dhaafay ka dib markii Maraykanka uu helay xogo sir ah oo ku saabsan shirqool dil ah oo ey soo maleegtay Iraan balse aan la xiriirin toogashadii Sabtidii la dhacda Gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka taaso la doonaayey in lagu khaarijiyo Trump,sidaas waxaa markii ugu horeysay sheegtay CNN-ka.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Previous
Previous

MAXKAMADDA SARE EE CQS OO XUKUNO KU RIDAY..

Next
Next

HAYADDA INTERPOL OO SOO XIRTAY ILAA 300-QOFOOD.