MAXKAMADDA RACFAANKA G/BANADIR OO BERRI…

(SAWIRKA)-SAYID-CALI.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamadda Racfaan ee Gobolka Banaadir ey berri oo Axad ah bilaabeyso dhegaysiga dacwadda loo haysto Eedeysane Sayid-Cali Macallin Da’uud kaaso Maxkamadda Gobolka Banadir ey horay ugu Xukuntay Dil Toogasha ah ka dib markii lagu helay dembiga ah inuu dilay Xaaskiisa Luul C/casiis. Warqad Qoraal ah kana soo baxday Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kuna Taariikhaysan 6/4/24-ka ayaa lagu sheegay in Dhegaysi dacwadda Sayid-Cali ey bilaaban doonto saacada Muqdisho markeey tahay sagaalka Subaxnimo(9:00)-AM. Waa wax sharci ah in qof kasta ey xukunto Maxkamadda uu ka qaadan karo Racfaan Xukunkii isaga ku dhacay balse racfaan dambe ma jiri doono haddii Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ey ayidii Xukunkii horay ugu dhacay Sayid-Cali ee ahaay Dilka Toogashadda ah.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HAKAN.

Previous
Previous

10-DAGAALYAHAN OO ALSHABAAB AH OO MAANTA ISA SOO DHIIBTAY.

Next
Next

DAD LA LA’AA OO MEYDADKOODA LAGA DHEX HELAY GAARI.