10-DAGAALYAHAN OO ALSHABAAB AH OO MAANTA ISA SOO DHIIBTAY.

(SAWIRKA)-AL-SHABAABKII ISKA SOO DHIIBAY BAYDHABO.

(BAYDHABO)-Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in halkaas ey iska soo dhiibeen dagaalamayaashii ugu badnaay kana tirsan kooxda Alshabaab maanta oo Sabti ah,kooxdaan sideeda ah ayaa waxa ey isu soo dhiibeen ciidamadda Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka dib makii ey la soo sameeyeen xiriir dhinaca Telefoonka ah. Sidoo kale maamuladda J/Land iyo G/Mudug ayaa iyagana waxaa NISA isu soo dhiibay Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab,gaar ahaan degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud waxaa halkaas iska soo dhiibay Horjooge caan ka ah degaankaas dadkana dhibaateyn jiray magaciisana lagu soo koobay HANAD,horjoogahaan ayaa magaciisa Afgarashada lagu sheegay in la yiraahdo GARAAD. Horjooge Garaad ayaa kooxda AL-shabaab ka tirsanaay muddo dhan 7-sano waxa uuna si weyn uga qeyb qaatay dagaalo ey kooxda Alshabaab la gashay ciidanka DFS iyo Xoogaga degaanka,dagaaladdii uu sheegay Garaad inuu ka qeybgalay Horjooge Garaad ayaa waxaa ka mid ah kuwii ka dhacay Camaara iyo Caad oo ka wada tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO MAR KALE ISKA DIIDAY INEY…

Next
Next

MAXKAMADDA RACFAANKA G/BANADIR OO BERRI…