MAXKAMADDA GOBOLKA OHIO OO XUKUN KU RIDAY..

(SAWIRKA)-DEMBIILE WOODEN.

(COLUBUS-OHIO)-Nin afduubay,dhacay oo dilay xubin caan ah oo ka tirsan Soomaalida iyo bulshooyinka Muslimka ah,xaq uma yeelan doono inuu codsado in laga sii daayo xabsiga ugu yaraan 73-sano. John Wooden oo 48-jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ah iyada oo aan suurtogal ahayn sii deynta sharafeed ugu yaraan 38-sano oo lagu daray ugu yaraan 35-sano oo dheeraad ah,inta lagu guda jiray dhegaysiga oo la qabtay galabnimada maanta oo Khamiis ah. Wooden waxa uu noqon lahaa in ka badan 120-sano ka hor inta uusan weligiis u qalmin dhegaysiga sii deynta sharafeed. Xeerbeegtida ayaa Wooden ku helay dembi ah dil,dil daran,afduub iyo dhac daran bishii Oktoobar-2021 ee Disembar-2021-kii geerida Maxamed Xasan Adam oo 48-jir ahaayne Imaamka Masjidka Abu Hureyrah ee ku yiil dhanka Waqooyi-bari ee magaaladda Columbus ee Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

ISHA/THE COLUMUS DISPATCH.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

ITOOBIYA OO KA FIKIREYSA INEY KA LAABATO HESHIISKII..

Next
Next

YAA SOO XULI DOONO SAGAALKA XILDHIBAAN EE BARLAMAANKA EAC