MAXKAMADDA CIIDAMADA OO XUKUNTAY…

(SAWIRKA)-EEDEYSANAYAAL LA XUKUMAY.

(MUQDISHO)-Maxkamada Darajada koobaad ee ciidamadda Qalabka sida ayaa todobaadkii tegay waxa ey bilawday dhegaysiga dacwad loo haysto nin lagu magacaabo SUFYAAN SH.AXMED SH.MAXAMED loona yaqaano Taakeeye,ninkaan ayaa baraha bulshada waxa uu horay u soo dhigay sawir ey ka muuqdaan afar dumar ah oo xaasaskiisa ah,waxa uuna sheegtay inuu yahay hogaamiyaha Xisbi lagu magacaabo Talo Ku nool,waqtiga uu Sufyaan intaas sameynaayo kuma uusan sugneyn dalka gudihiisa oo waxa uu joogay dalka Kenya. Sufyaan ayaa lagu soo eedeyey aasaasida Xisbi ku sheeg uu ugu magac daray Talo-Ku nool,kaaso faafiyo fikradaha guracan ee lidka ku ah Diinta,dalka,dawladnimada iyo sidoo kale taageera ficiladda foosha xun ee argagixisada. Taakeeye ayaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ey wada yeesheen Sirdoonka Soomaaliya iyo sirdoonka dalka Kenya taariikhdu markey ahayd 28/9/2023-kii. Taakeeye ayaa baraha bulshada ku gudbin jiray fikirkiisa guracan ee gaaleysiinta ah,isagoo ku tashkiilin jiray dadka aan diinta wax ka aqoon iney soo raacaan Xisbigiisa Talo ku nool. Dable Xooga Yaasiin Axmed Maxamed oo ka tirsan ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab Online ah isagoo Whatsapp-ka ku faafiyey fariimo lid ku ah dawladnimada iyo inuu garab u muujiyey Taakeeye markii uu soo galay gacanta sharciga,waxaane isaga la soo qabtay 28/9/2023-kii. Maxamed C/qadir Cali(sandheere) ayaa isna ka mid ahaay kooxda Taakeeye kaga biirtay Online-ka waxa uu Sandheer isku dayey inuu marin habaabiyo laamaha amaanka isagoo sheegay inuu yahay nin ka tirsan Alshabaab oo isa soo dhiibay,waxaane Sandheere la soo xiray 20/12/2023-kii. Baaris dheer ka dib Xafiiska xeer ilaaliyaha Ciidamadda Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan waxaane laga ogolaaday 14/3/24-ka. Garsoorka Maxkamada Ciidamadda Qalabka sida oo waqti fiican siiyey dhinacyada dacwada quseeyso ayaa ugu dambayntii maanta oo Isniin kuna beegan 25/3/24-ka go’aan ka soo saaray seddexda eedeysane Sufyaan ayaa waxaa lagu xukumay lana sano oo xarig il ku hayn ah,halka Ex dable Xooga Yaasiin laga saaray ka mid ahaanshaha CXDS,sidoo kale Maxkamadu waxa ey sii daysay Maxamed C/laahi Sandheere,sidaas waxaa warbaahinta u sheegay G/Sare. Xasan Cali shuute ahne Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koobaad ee CQS.

ISHA/SNA.

Previous
Previous

HAWLGAL ALSHABAAB QALAB LOOGA QABSADAY.

Next
Next

FARMAJO IYO SHARIIF OO KU SOO HUNGOOBAY GARAWE.