HAWLGAL ALSHABAAB QALAB LOOGA QABSADAY.

(SAWIRKA)QALABKII ALSHABAAB LAGA SOO QABSADAY MAANTA.

(GARISSA-KENYA)-Wararka ka imaanayo Gobolka ey Soomalidu degto ee dalka Kenya ee Gaariisa ayaa sheegayo in hawlgal ey si wadajir ah u fuliyeen ciidamadda amaanka dalka Kenya maanta ayaa lagu beegsaday saldhig AL-Shabaab ey ku leeyihiin degaanka Alango ee is maamulka Gaarisa. Weerarkaan ey qaadeen Sirdoonka ayaa sababay in gacanta lagu soo dhigo tiro badan oo ah walxaha Qarxa taasoo wiiqaysa awooda kooxda Alshabaab una diidaysa iney kooxda sameysato waxyaabaha Qarxa(IED’S). Iyadoo hawlgalka lagu soo qabtay qoriga AK-47,rasaas,sahay iyo bakhaaro raashin ah,waxaa hawlgalka ka baxsaday seddex khabiir oo ku takhasusay dhan sameynta waxyaabaha Qarxa lana shaqeeyo kooxda Alshabaab,waxaane hadda socdo baadi goob lagu doonaayo in lagu soo qabto shaqsiyaadkaas loogana hortegi lahaay khatartooda. Hawlgalka ayaa waxaa Alshabaab laga soo furtay hub muhiim u ah kooxda eyna ka mid yihiin PKM,RPK,AK-47 iyo agab kale oo laga sameeyo Qaraxyada. Telefoonada gacanta iyo Sim Cards ayaa sidoo kale lala wareegay kuwaaso laga yaabo iney bixiyaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda Alshabaab. Saraakiisha ayaa shaacisay in hawlgalka Faafi lagu beegsaday xero ku meel gaar ah oo ey ka sameysteen shaqsiyaad Kenya ka soo galay dhanka Soomaaliya,goobtan ayaa ahayd xarun saadka Alshabaab taaso kooxda Alshabaab u sahashay iney weeraro soo qaadaan ka dibne dib ugu laabtaan xuduuda.

ISHA/MAWAKILISHI.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

QARAX KA DHACAY BAKISTAAN OO LAGU DILAY…

Next
Next

MAXKAMADDA CIIDAMADA OO XUKUNTAY…