MAXAY KA SAMEYN DOONTAA DFS ARRINTA…

(SAWIRKA)-AGAASIMEYASHA KALA AH CADDE IYO SULDAANKA.

(MUQDISHO)-Sida aan horay idiinla wadaagay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah(28/9/23)-ka waxa ey go’aan kama dambays ah ka gaartay dacwado loo haystay masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan hayadaha DFS,dadkaan ayaa kuwada edeysnaay Musuq-Maasuq,qaar ka ida dad la soo eedeyey ayey Maxkamada Gobolka Bnaaadir ku weysay eedihii loo soo jeedieyey waxaane dadkaasi ka mid ah laba Agaasime guud oo xilka isaga kala dambeeyey kana wada tirsan Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada DFS waane Maxamed Cadde Mukhtaar iyo C/laahi Maxamed Cali,ragaan hadda waa xur oo uma xirana Musuqii lagu soo eedeyey in kastoo Cadde uusan shaqo hayn markii la soo xiraayey balse C/laahi ayaa ahaay Agaasime Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada,Maxaa laga filan karaa DFS bacdamaa MW-Xasan Sheekh uu Masaajid dhexdiisa ka sheegay in qofkii lagu waayo dembigii lagu soo eedeyey inuushaqadiisa ku laaban doona isagoo sharaf leh.

ISHA/CAASIMADA.

Previous
Previous

TAHRIIBKA ILAA YURUB OO KORDHAY.

Next
Next

X/DHEERE OO LAGU TOOGTAY SEDDEX DHAGAR QABE.