MAXAKAMAD MARAYKAN AH OO XUKUNTAY…
SURUR WAAYE SAWIRKAAN.
(KENA)-Nin u dhashay dalka Kenya lana yiraahdo Mansuur Maxamed Surur ayaa lagu helay dembi ah inuu si sharci dara ah amaba suuqa madaw ah uu ku soo geliyey dalka Maraykanka Faanta Maroodiga iyo Geeska Wiyisha kuwaaso qiimahooda lagu qiyaasay lacag dhan KSH.800,000-Milyan. Mansur Surur ayaa qeyb ka ahaay shirqool caalami ah uuna masuul uga ahaay qalida in ka badan 100-Maroodi iyo 35-Wiyil sida eey sheegeen garsoorayaal heer federaal ah ee gobolka New york ee dalkaas Maraykanka.Lacagta eey Mansuur iyo kooxdiisa ka sameeyeen Faanta Maroodiga iyo Geeska Wiyisha ayaa lagu qiyaasay ineey doolar ahaan dhan tahay($7.4)-Milyan muddo dhan todobo sano.Dadka Mansuur la wadaago arrintaan suuqa madaw ah ayaa waxaa ka mida Maoza Kromah una dhashay dalka Libeeriya,Amara Cherif una dhashay dalka Gini,dadkaan ayaa dhammaantood lagu helay ineey galeen dembi,Mansur waxaa la xukumay 30/3/22-ka,Maoza iyo Amarah waxa la xukumay 27/4/22-ka waxaane dhiman oo baadigoob loogu jiraa qeybna ka ah arrintaan suuqa madaw Badru C/casiis Saalax(Badr) iyo Cabdi Xuseen Axmed(Abu Khadi),balse Badru Saalax ayey qabteen ciidamadda Kenya maalin ka hor hadane waxa uu ku jiraa gacanta dawladda Kenya.
ISHA WARKA STAR.