DAD LAGU DILAY MAGALAD TUSLA EE DALKA MARAYKANKA.
BOOLISKA TUSLA.
(TUSLA-OKL)-Nin ku hubaysan qoriga daran dooriga u dhaca isla markaasne watay Bastoolad ayaa shalay oo Arbaca ahayd waxa uu magaaladda Tusla ee gobolka oklahoma ku dilay afar qofood oo ku sugnaay goob caafimaad,weerarkaan ayaa ah kii ugu dambeyey ee ka dhaca dalkaas Maraykanka todobaadyadaan,ninka weerary goobta caafimaad oo lagu sheegay inuu ahaay Madaw da’adiisana lagu qiyaasay 35-jir ayaa isna ku dhintay isla goobta uu ku dilay 4-ta qofood. sideed maalin ka hor ayey ahayd markii wiil 18-jir ah uu dugsi hoose oo ku yaalo gobolka Taxes ee dalka Maraykanka uu ku dilay 19-caruur dugsiga dhiganaysay iyo 2-macallin oo dugsiga wax ka dhigaayey.
ISHA WARKA AP.