MAXAABIIS KA BAXSATAY XABSI ISRAA’IIL.

_120408785_mediaitem120408721.jpeg

Subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah(6/9/2021)-ka ayaa waxaa dhulka Falastiin eey haysato Israa’iil ayaa waxaa ka dhacday arrin eey la yaabeen Israa’iil,waxaa la jabsaday xabsiga Jalbuuc kuna yaalo waqooyiga Israa’iil,xabsigaan ayaa waxaa la dhisay sannadkii 2004-tii,rag gaaraayo ilaa lix ayaa waxa eey ka baxsadeen xabsiga ayagoo qoday musqusha dhul dhan toban mitir waxa eeyna u baxsadeen magaladda Jiniin,raga xabsigaan ka baxsaday ayaa waxaa ka mida Zakariya Al-zubaidi oo ah hogaamiyihii Shuhadaa Alaqsa’a kana mid ahaay golaha kacaanka ee xarakada Fatxi,shanta kalane waa Jihaad al-islaami.Taariikhda jabsiga xabsiyadda Israa’iil ayaa ah mid soo jireen ah waxa eeyna soo bilaabatay muddo dheer.

1958-dii xabsiga Shatac,ayaa waxaa ka baxsaday 190-maxbuus una kala dhalashay Falastiiniyiin iyo Carab kale,baxsadka ayaa waxa uu dhacay bishii luuliyo sodon iyo kowdeeda(31/7/1958)-dii.

1987-dii,xabsiga Gaza ayaa isagana laga baxsady waxaane ka baxsaday todobaatan iyo todobo maxbuus,waqtiga baxsadka ayaa dhacay bishii Meey todo iyo tobankeedii sannadkii 1987-dii.

1998-dii,waxaa mar kale laga baxsaday xabsigii Shatac mana la yaqaano tiradda maxbuusyada ka baxsaday.

2002-dii,xabsiga Ofeer ayaa waxa aka baxsaday afar maxbuus waxaane waqtigaas socday kacdoonkii rer Falastiin.XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

ITOOBIYA OO DIFAACDAY HUBKII EEY GAYSAY SUUDAAN.

Next
Next

AFGEMBI KA DHACAY DALKA GUINEA.