MAXAA IS BEDELAY OO INAGU CUSUB MAANTA?

(SAWIRKA)-MADAXDII KA QEYBGASHAY SHIRKII EY SOO QABAN QAABISAY DFS EE KA DHACAY MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Waxa aan la wada soconaa in Golaha Wadatashiga Qaran shirkoodii ugu dambeeyey laga soo saaray Go’aamo xasaasi ah kuna saabsan Masiirka siyaasadeed ee dalka Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliyeed, Go’aamadaasi ayaa waxaa ka mid ahaay: (1)-Nuuca Doorashada dalka. (2)-Nidaamka Madaxtinimada Dalka. (3)-Nidaamka Xisbiyada badan. (4)-Gudiga Doorashooyinka Qaran. (5)-Mideynta Muddo xileedka Hayadaha Federaalka iyo kuwa Dawlad Goboleedyada. (6)-Habraaca dib u eegista Dastuurka. Qodobadaan lixda ah ayey DFS ey hogaaminayaan Madaxweyne Xasan Sheekh,RW-Xamsa Cabdi Barre iyo labada Gudoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka JFS Sheekh Adan Madoobe iyo Cabdi Xaashi waxa ey shir socday laba maalmood kala galeen Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradsan go’aamadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran,dood dheer ka dib waxaa la isku raacay in mar kale shir la isugu yimaado, intii aan la gaarin shirkii la isugu imaan lahaay ayey Madaxdii hore iyo siyaasiyiintii shirkii ka qeybgashay qaarkood waxa ey maanta soo saareen war Murtiyeed ey ku durayaan hadalkii uu Madaxweyne Xasan ka jeediyey Masjidka Madaxtooyda JFS.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MW-XASAN OO XUDUR KAGA DHAWAAQAY…

Next
Next

DAGAAL XOOGAN OO KA DHACAY BAKOOL.