MAXAA DHICI DOONO HADDII ATMIS EY KA…
CIIDAMADDA UGANDHA EE ATMIS KA TIRSAN.
(UGANDA)-Tan iyo markii uu dhacy weerarkii ey kooxda Alshabaab ku qaaday saldhiga ciidamadda Atmis ee degaanka Buulo-Mareer eyna ku sugnaayeen ciidamo ka socday dalka Ugaandha waxaa dalka Uganda ka jirtay hadal hayn aad u fara badan iyo su’aalo badan ey is weydinayaan dadka reer Ugaandha. Weerarkii kediska ahaay ee lagu qaaday ciidamada Ugaandha ee ka tirsan Atmis ayaa waxaa ka hadlya Madaxweynaha dalka Ugandha isla markaasne ah taliyaha ugu sareeyo ciidamadda dalka Ugandha Gen.Yoweri Museveni, waxa uuna sheegay in la samayn doono baaritaan ku saabsan wixii ka dhacay Buulo-Mareer 26/5/23-ka waxaane loo xilsaaray gudi uu madax u yahay taliyaha ciidamadda dalka Ugaandha Gen.Wilson Mbadi waxaane sii korortay su’aalaha la xiriiro maxaa dhici doono haddii mar uun ey ciidamadda Ajnabiga ah ey isaga baxaan ciida Soomaaliya…Ma la waayi doonaa kooxda Alshabaab gebi ahaantood..Mase kooxda Alshabaab dib ayey isu soo habeyn doontaa markaasne qaadi doontaa weeraro kale.
ISHA WARKA MONITOR.