MASAR OO SAMAYSAY BASAASID….

BANAANBAXAYASHA COP27 OO LA KALA CEYRIYEY.

(QAHIRA)-Marka laga soo bilaabo lixdii bishaan Noofembar-2022-ka waxaa magaala xeebeedka Sharma Sheekh ee dalkaasi Masar si hab sami ah uga socdo shirkii looga hadlaayey isbedelka Cimiladda adduunka(COP27),shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin gaaraayo 196-qofood kana kala yimid caalamka daafihiisa,hadaba culimada ku xeel dheer isticmaalka Internet-ka iyo ka qeybgalayaasha shirka Cop27 ayaa markii uu bilawday shiraka COP27 ayaa telefoonada casriga ey wateen waxaa soo dhexgalay carqaladeyn waxyabihii ey rabeen ineey soo degsadaan waxaane arrintaas sameysay xukuumadda Masar taaso isticmaashay qalab aad u sareeyo oo dhinaca basaasnimada ah. Baare ka tirsan hayadda xuquuqul insaanka caalamiga ah ee HUMAN RIGHTS WATCH(HRW) Camr Majdi oo la hadlay Wargayska Middle East Eye ayaa sheegay in ka qeybgalayash shirka COP27 looga baahan yahay ineey soo degsadaan APP-ka rasmiga ah kaasoo kaa dalbanaayo macluumaadkaga gaarka ah(Private Information) si aad u isticmaashid iyo in hayadda sirdoonka Masar awood u yeeshaan la socodka Kaamerada Telefoonkaada waxa aad ku duubaysid,Maykarafoonka iyo Bluetooth-ka,waxaa kaloo sirdoonka awoodi karaa inuu ogaado halka joogtid.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

QARAX KA DHACAY ISTAMBUUL.

Next
Next

DAWLADDA TANZANIA OO MEG DHAW SIISAY…