MASAR OO DADAAL UGU JIRTA SIDII SOOMAALIYA…

(SAWIRKA0-WASIRADA ARRIMAHA DIBADDA SOMALIA,MASAR IYO MARAYKANKA.

(QAHIRA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badr Cabdul-Caadhi ayaa dhammaadkii todobaadka si gaar ah khadka telefoonka kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Md.Axmed Macallin Fiqi iyagoo ka wada hadlay Horumarka Gobolka iyo Iskaashiga labada dal. Wasiir Badr C/cadhi wuxuu la hadlay dhigiisa Maraykanka 4-tii bisha Janaayo-2025-ka isagoo diiradda saaray xaaladda Marinka Gaza iyo dhibatada ka socoto dalka Suriya. Wasiir Badr,waxa uu carabka ku adkeeyey sida lagama maarmaanka u tahay xabad joojin deg deg ah oo dhammaystiran oo ka dhacda Marinka Gaza,isagoo ku nuuxnuuxsaday in dadaaladda caalamiga ah iyo kuwa heer Gobol ee wadajirka ah loo baahan yahay si loo xaqiijiyo gaarsiinta gargaarka bani’adanimo ee aan la carqaladeyn. Waxa uu sidoo kale cambaareeyey ficiladda Isra’iil ee ku wajahan dadka reer Falastiin gaar ahaan beegsiga kaabayaasha caafimaadkiyo Isbitaaladda taaso xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo mabaadii’ida bani’adanimada. Wasiir Badr,ayaa sheegay in dalkiisa uu taageeraayo shacabka Suriya ishana uu ku haayo isbedeladda socdo,waane iney noqdaan ayuu yiri kuwa aan gacma shisheeye lug eysan ku leheyn. Wasiir Blinken,ayaa muujiyey Mahadnaqa Maraykanka u haayo doorka Masar ee Gobolka Bariga Dhexe. Dhinaca kale,Wasiir Badr ayaa 5-tii bishaan oo shalay ahayd waxa uu khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Soomaaliya Md.Fiqi kaaso dalka Masar Booqday 23/12/2024-kii,waxa eyna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaay xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Wasiir Badr,ayaa ku celceliyey kuna adkeeyey carabka in dalka Masar uu taageeraayo Madax-banaanideeda,Xurnimadeeda iyo Madaxbanaineeda dhuleed sida uu qabo sharciga caalamiga ah. Dalka Masar ayaa hadda ka mid ah wadamadda Ciidamadda ku soo biirinaayo hawlgalka AUSSOM ee hadda ka bilawday dalka Soomaaliya.

ISHA-DAILY NEWS EGYPT.

Previous
Previous

SOOMALI LAGU DILAY K/AFRIKA.

Next
Next

BANAANBAX KA DHACAY MAGAALADDA TRIPOLI EE LUBNAAN