BANAANBAX KA DHACAY MAGAALADDA TRIPOLI EE LUBNAAN
(SAWIRKA)-BANAANBAX KA DHACAY BEIRUT.
(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ayaa sheegaayo in boqolaal qofood oo banaanbaxayaal reer Lubnaan ah ey isugu soo bexeen magaaladda labaad ee dalka Lubnaan ee Tripoli maanta oo Axad ah,iyagoo xukuumadda Lubnaan ka dalbaday iney sii deyso Maxaabiista Islaamiyiinta ah ee u xiran xukuumadda Lubnaan kuwaaso la xiray waqtigii uu dalka Suriya ee deriska la ah dalka Lubnaan dagaalka sokeeye. Maxaabiista ayaa waxaa ka mid ah qaar u dhashay dalka Lubnaan kuwaaso u baxay iney la dagaalamaan Mucaaradka dalka Suriya waqtigii uu dalka Suriya xukumaayey Bashaar AL-Asad,taaso soo bilaabatay sannadkii 2011-kii,waxaane dadkaan la xiray ka dib markii ey ku soo laabteen Lubnaan. Isu soo baxaan ayaa ka dhacay fagaaraha NOUR ee magaaladda Tripoli ayaa imaanaya ku dhawaad hal bil ka dib markii xoogaga Islaamiga ah ey xukunka ka tuureen Bashaar AL-Asad. “Waxaan dooneynaa inaan sii kordhino cadaadiska lagu haayo maamulka Lubnaan si loo sii daayo dhammaan maxaabiista Islaamiyiinta ah”ayuu yiri Axmed AL-shimaali oo ka mid ah banaanbaxayaasha. “Maxaabiista Islaamiyiinta ah ee ku xiran xabsiyadda dalka Lubnaan waxaa la xiray waqtigii uu socday kacdoonka dalka Suriya”ayuu hadalkiisa raaciyey Axmed AL-shimali,dagaalka sokeeye ee dalka Suriya ayaa qaatay in ka badan 13-sano. “Intooda badan waxa ey u aadeen dalka Suriya iney ka dagaalamaan,waxay taageereen dadkeyna Suriya,ama waxaa la ogaaday iney la xiriiraan Mujaahidiinta ama dagaalyahanada”ayuu yiri AL-shimaali,laakin maanta Taliskii Bashaar AL-Asad waa uu dhacay. Dadka u ololeeya Xuquuqda ayaa muddo dheer dalbanaayey Maxkamad cadaalad ah kuwa lagu eedeeyey iney xiriir la leeyihiin Xagjiriinta Islaamiyiinta ah ee reer Lubnaan,kuwaaso qaarkood ey ku jiraan Xabsiyadda sannado badan iyagoo aan la horkeenin Maxkamad. Dabayaaqadii bishii Diseembar,Reysal Wasaaraha dalka Lubnaan Najib Miiqaati ayaa u sheegay eheladda Maxaabiista in arrintooda si sax ah loo xalliyo,balse wuxuu sidoo kale sheegay in marka hore Baarlamaanka laga rabo inuu go’aan ka gaaro haddii cafis guud la soo saari doono iyo in kale. Qeybo ka mid ah magaaladda Tripoli ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadyo maamihii ugu horeeyey dagaalka dalka Suriya kuwaaso ka dhashay caburinta xukuumaddii Bashaar AL-Asad ee dibadbaxyadda Dimoqaraadi doonka ah. Xisadda ayaa sannado ka socotay inta u dhexeysay degmada Sunninga degaan ee Bab AL-Tabaneh iyo Jabal Muxsin oo ku dhaw halkaas oo dadka ugu badan ey ka soo jeedaan Dariiqadda Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay oo ah farac Shiicadda oo uu ka tirsan yahay Madaxweynihii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad.
ISHA-WAKALADO.