MARAYKANKA OO UGA DIGAY ISRA’IIL INEY WEERARTO BOOLISKA XAMAAS.
(SAWIRKA)-BOOLISKA MARINKA GAZA.
(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Joe Biden ee dalka Maraykanka ayaa dalka Isra’iil ka codsaday iney joojiyaan beegsiga xubnaha booliska rayidka ah ee aan hubaysneyn ee Xamaas kuwaaso maamula gelbiyana baabuurta Gargaarka u sida Marinka Gaza,waxa uuna Marayakanka ka digay iney midaasi keeni karto in la waayo sharcigii iyo kala dambeyntii eyna si weyn uga sii dareyso xaaladda Bani’adanimo ee ka jirto degaankaas,sidaas waxaa Wargayska AXIOS ee dalka Maraykanka u sheegay saraakiil u kala dhalatay Maraykanka iyo Isra’iil. Saraakiisha Maraykanka ayaa ka walaacsan “In Gaza isu bedesho Muqdishu” maadaama ey meesha ka bexeen Amaankii iyo dib u soo laabashadii nolosha Gaza eyna albaabada u furtay kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday baabuurta sida Gargaarka taaso sababtay in hayadaha geeyo Gargaarka Marinka Gaza iney ku adkaato iney sameeyaan isu socod gudaha Gaza ah. Waa walaac uu maamulka Biden uga digaayey Isra’iil dhawr bilood ka hor iyo sababta uu Maraykanka horay ugu sii booriyey Isra’iil iney sii qorsheyso cidda la wareegayso Amniga Marinka Gaza dagaalka ka dib,sidaas waxaa sheegay saraakiil Maraykan ah. Magaaladda Muqdishu oo ah caasimadda Soomaaliya oo ku taalo Geeska Afrika ayaa mar ahaan jirtay meel lagu tilmaamo magaaladii sharci iyo khatar badneed adduunka.
ISHA/AXIOS.