53-CARUUR AH OO LOOGA DHUUNTAY ISBITAALADDA…

(SAWIRKA)-XEER ILAALINTA QARANKA.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ey Soomaalidu ku sheekeysato si aad ah loogu hadal haayey Nin Naagtiisa dilay iyo Naag Ninkeeda dishay,laakinse dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho waxaa ka jira waxyaabo aad u fara badan oo aan laga warqabin bulshadana aanan lala wadaagin,tusaale ahaan Caruurta looga dhuunto Isbitaalkii lagu dhalay dabadeedna la garan waayo meel loo raaco hooyadii laga umuliyey halka ey cirib iyo jaab dhigtay,sidoo kale waxaa dhacda in xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir laga soo helo Canug dhallan wax ka yar 24-saac oo yaalo wadada hareerteeda lana arko isaga oo ey Eeyuhu cuni rabaan,dhammaan dhacdooyinka naxdinta leh ayaa waxaa u sabab ah dhawr waxyaabood ey ugu horeyso duruufaha nololeed ee haysta dadka danyarta ah caruurtooda taasne looga faa’iideysto gabdhahooda dabadeedna lagu Uureeyo,hadaba arrimahaan ayaa waxaa ka hadashay ku Xigeenka Xeer ilaaliyaha Qaranka Yusra Cismaan Shariif,xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa maanta warbixin ka soo saaray xadgudubka loo gaysto Caruurta,Xafiiska ayaa soo bandhigay warbixin kooban ey sameeyeen sannaddkii tegay ee 2023-ka,waxa uuna Xafiisku sheegay in tirada guud ee Caruurta looga dhuuntay Isbitaaladda ey dhan tahay 53-Caruur ah kuwaaso 25-ka mid ah ey yihiin gabdho halka 28-ka kale ey yihiin wiilal.

ISHA/CASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO UGA DIGAY ISRA’IIL INEY WEERARTO BOOLISKA XAMAAS.

Next
Next

AGAB IYO GAADIID LA SIIEYEY Q.43-AAD EE CXDS.