MARAYKANKA OO SOOMAALIYA KU KHARASH GAREEYEY….
Sida uu qoray wargayska Middle East Monitor maalinti shalay oo Talaada ahayd Dalka Maraykanka ayaa soomaaliya ku sheegay ineeysan ka soo bixin wax natiija ah labaatankii sano e laga kaalmaynaayey dhinaca amniga laguna kharash gareeyey lacag dhan $3.2-bilyan,mana aha markii ugu horeeysay oo eedeyn loo soo jeediyo DFS oo waxaa horay ayagana sidaas si la mida u eedeyey EU-da kuna tilmaamay ineey khasaaro tahay lacag siinta soomaaliya ee waqtigaan bacdamaa uusan jirin wax horumar ah oo dhinaca amniga laga sameeyey.